BAYAAN: Nusratul Islaam Oo sheegatay Mas’uuliyadda Howlgal ka dhacay Maali.

Bayaan kasoo baxay Jamaacada Nusartul Islaam wal muslimiin ayaa lagu sheegtay mas’uuliyad howlgal aad u ballaaran oo ka dhacay wadanka Maali, halkaas oo ay duulaan ku joogaan ciidamo badan oo Shisheeye ah.
Bayaan maqal iyo muuqaal ah oo uu akhrinayo xubin katirsan Jamaacada Nusratul Islam wal muslimiin ayay baahisay mu’assasada Az-zallaaqa, waxaana bayaanka lagu sheegtay mas’uuliyada howlgal ballaaran oo ka dhacay deegaan hoosyimaada magaalada Tembaktu.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in camaliyadan laga lahaa fariimo gaar ah oo ku socoda dowladda Faransiiska iyo Qaramada midoobay oo kaalin muuqata ka qaadanay duulaanka iyo gumeysiga lagu hayo wadanka muslimka ah ee Maali.
Wuxuu Afhayeenkan akhrinayay bayaanka ee katirsan Nusartul Islaam wal muslimiin sidoo kale sheegay in camaliyadda ay fariin u tahay dowladda Bukrina Faaso iyo guud ahaan dowladaha mandiqadda ee Faransiiska ku garab siinaya duulaanka dalka Maali.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku aadan Bayaanka kasoo baxay Nusartul Islaam