Ciidamada Al-Shabaab Oo dagaal kula wareegay Kontroolka Koonfureed ee magaalada Jowhar.

Wararka ka imaanaya wilaayada islaamiga  ee Jowhar ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen bar kontrool oo laga difaaco magaalada Jowhar oo ku jirta maamulka Hir-shabeelle.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan, islamarkaana lagu soo afjaray ciidamadii joogay kontroolka koonfureed ee magaalada oo ah isbaaro ay dadka lacagaha baadda uga qaataan ayaa lagu soo waramayaa inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay goobta ay la wareegeen ka taageen Raayada towxiidka, iyagoona maamulayay in  muda ah.

Ciidamada Hir-shabeelle ayaa iyagoo baxsad ah waxay gudaha u galeen magaalada Johwar.

Kontroolka la weeraray wuxuu aad ugu dhowyahay dhismaha xarunta madaxtooyada maamulka Hir-shabeelle oo uu ku sugnaa madaxweynaha maamulkaas Waare.

Weerarkan wuxuu kusoo aadaya xilli magaalada Jowhar uu ku suganyahay ra’iisul wasaaraha dowladda Xasan Cali Kheyre.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.