Ciidamada Amaanka Masaarida Oo sii daayay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee wadankaas Maxamed Mursi.
Kadib saacado uu xirnaa, waxay dowladda Masar sii deysay wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee wadankaas Maxamed Mursi, kaas oo lagu magacaabo Cabdullaahi.
Xubin katirsan haya’dd sheegata xuquuqda Insaanka, si gaar ahna ugu dooda Maxamed Mursi, waxaa xeer ilaalinta guud ee xukuumadda Siisi ay go’aansatay iney sii deyso Cabdullaahi oo laga qabtay afaafka hore ee gurigiisa.
Ninkan la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in Cabdullaahi Muxamed Mursi lagu sii daayay damiin maaliyadeed, lana dhiibay lacag gaareysa kudhawaad 300 oo dollar.
Aroornimadii hore ee maalintii shalay ayaa ciidamo katirsan Amaanka waxay Cabdullaahi Muxamed Mursi ka qabteen afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafadda Sheekh Zaayid ee galbeedka magaalada caasimadda ah ee Al-Qaahira.