Ciidamada Kenyaati ah oo lagu weeraray gobolka GEDO.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Saqdii dhexe ee xalay, waxaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar culus ay ku ekeeyeen fariisin ciidamada Kenyaatigu ku leeyihiin deegaanka Buusaar ee wilaayada islaamiga ee Gedo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhowr jiho kasoo weeraray ciidamada Kenyaatiga, waxayna ku kediyeen rasaasta nool nool, taas oo keentay in ciidamada Kenyaatigu isku dhex yaacaan.

Dagaalka wuxuu socday in muda ah, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ay xanuunjiyeen ciidamada Kenyaatiga, waxay dib ugu laabteen goobihii ay kasoo duulaan tageen, waxaana ciidamada Kenyaatiga ay markaas kadib billaabeen duqeymo aan loo meel dayin oo ay ku garaaceen deegaannada howdka ah, taas oo muujineysa waxyeellada gaartay Kenyaatiga halka ay la egtahy.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.