Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Weeraray Af-urur iyo Daynuunaay.

Jabhadda ka dagaalanta buuraleyda Galgala ee katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaaday saldhigyada ciidanka maamulka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur.
Weerarka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada Mujaahidiinta ugu suuragashey iney la wareegaan gacan ku heynta deegaanka Af-urur muda dhowr saacadood ah.
Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkii xalay lagu dilay hal askari oo katirsan maamulka Puntland, kaas oo u geeriyooday dhaawac halis ah oo soo gaaray.
Dhanka kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay gacan ku heynta deegaanka Daynuunaay oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo.
Ciidamadii maamulka Koonfur-galbeed ayaa ka cararay deegaanka, waana markii labaad mudo todobaad gudihiisa oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la wareegaan deegaanka Daynuunaay.