Ciidamada Yahuudda oo weerar geystay dhimasho iyo dhaawac ka fuliyay Daanta-galbeed.

Aroornimadii hore ee maanta oo Arbaco ah, ayaa ciidamo katirsan maamulka Yahuudda waxay xoog ku galeen deegaanno hoostaga Daanta-galbeed, oo ay deganyihiin dadka muslimiinta Filadhiiniyiinta.

Ciidamada Yahuudda oo aad u hubeysnaa ayaa waxaa dhagxaan kala horyimid dhalinyarada muslimiinta, kuwaas oo diidanaa in Yahuudu soo galaan guryahooda.

Degmada Dhamuun oo hoostagta magaalada Dhaabuus ee wuqooyiga Daanta-galbeed ayaa kamid ah meelaha ay Yahuudu xooga kusoo galeen, waxayna ka geysteen howlgallo dhimasho iyo dhaawac sababay.

Sida lagu helayo wararka ka imaanaya dhulka Filastiin ee gumeysiga ku jira, waxaa dhintay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka dhagxaanta ku weeraray ciidamada Yahuudda, halka tiro kalana ay dhaawacyo yihiin.

Wiilka shahiiday waxaa lagu magacaabaa Maxamed Maxmuud, waxaana uu u geeriyooday dhaawac halis ah oo soo gaaray.

Ciidamada Yahuudda ayaa ku andacoonaya iney raadinayaan dad fuliyay weeraro kaligii duulnimo ah oo ka dhacay deegaannada ay Yahuudo xooga ku heystaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.