Ciidamo Ameericaan iyo Afqaaniyiin isugu jira oo lagu dilay Afqaanistaan.

Dalka Afqaanistaan waxaa ka dhacay howlgallo kala duwan oo lagu dhiig bixiyay Shisheeyaha Maraykanka iyo kuwa malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul,  kuwaas oo ay fuliyeen ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa fashiliyay howlgal inzaal Ameericaan ah oo ciidamo Maraykan iyo kuwa katirsan xukuumadda Kaabul kusoo qaadeen deegaan lagu magacaabo Istiishan oo hoos yimaada degmada Sanjiin ee gobolka Helmand.

Ugu yaraan hal askari oo Ameericaan ah iyo mid kale ayaa laga dilay ciidamada Maraykanka, waxaana laga dhaawacay kuwa kale, iyaguna waxay rasaas aan loo meel dayin oo ay rideen ku shahiiday ugu yaraan 6 ruux oo muslimiin ah.

Dhanka kale weerar ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ku qaadeen saldhig milliteri oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda Kaabul ayaa waxaa ka dhashay khasaare lixaad leh.

Weerarka oo socday labo saac iyo bar, waxaa lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka Khadhiiwaan ee hoos taga degmada Bashtaruud ee gobolka Faraah.

Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay xaqiijisay in weerarkaas ay ku dishey ugu yaraan 8 askari, halka lagu dhaawacay 11 kale.

Waxaa weli si dar dar leh dalka Afqaanistaan uga socda howlgallo lagu dhiig bixinayo ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa  malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul, waxaana howlgalladaas ay qeyb ka yihiin howlgalka Al-khandaq.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.