Ciidamo ka firxday dagaallada Shabeellaha hoose Oo Muqdisho Lagu xiray.

Dowladda federaalka ayaa xabsiga u taxaabtay ciidamo katirsan milliteriga, kuwaas oo ka firxaday furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay kula kulmayaan weeraro joogta ah oo uga imaanaya dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada dowladda ayaa lasoo taagay 12 askari oo katirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo kasoo firxaday nawaaxiga magaalada Marka, halkaas oo maalmihii ugu dambeeyay lagu dhiig bixinayay ciidamada dowladda.

Sida lagu sheegay fadhi ka dhacay maxkamadda ciidamada dowladda, waxa ciidamadan kasoo carareen furinta dagaalka, iyagoo u adkeysan waayay weerarada Mujaahidiinta, waxaana lagu qaaday dembigaas iyo iney sidoo kale ka dhega adeegeen awaamiirta saraakiisha ciidamada dowladda.

Waxaa 12-ka askari lagu xukumay min  shan saxno oo xabsi ciidan ah, waxaana saraakiisha dowladda ay sheegeen in go’aankan uu yareyn doono ciidamada kasoo firxanaya aaga dagaalka, kuwaas oo soo badanayay mudooyinkii ugu dambeeyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.