wararka

Ciidamo Kenyaati ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Howlgal ka dhacay Mandheera.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Wararka ka imaanaya dhulka soomaaliyeed NFD ee ku jira gumeysiga ayaa ku waramaya in uu dhacay howlgal weyn oo khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya.

Weerar ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Carabiya iyo Fiinow ee hoos yimaada magaalada Mandheera ayaa lagu gubay labo gaari oo noocyada ciidamada xambaara ah.

Gawaarida la gubay waxaa saarnaa ciidamo aad u badan oo kenyaati ah, kuwaas oo wararka la helayo ay sheegayaan iney dhimasho iyo dhaawac noqdeen.

Dowladda Kenya weli wax war ah kama soo saarin gawaaridan laga gubay iyo askarta laga dilay, waxaana inta badan ay ka been sheegtaa khasaaraha gaara ciidamadeeda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa jabhad sal adag leh waxay ka aa-aastay dhulka NFD iyo xeebaha oo ay degaan dadka muslimiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*