DEG-DEG: Gudoomiyihii gobolka Faraah iyo Saraakiil kale oo ku dhintay Diyaarad Dhaalibaan kusoo riday Afqaanistaan.
War deg deg ah oo ay aad u qorayaan warbaahinta Aduunka ayaa shaacinaya in diyaarad nooca Hellecopterka ah lagu soo riday galbeedka wadanka Afqaanistaan, kadib markii ay beegsadeen ciidamo katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Diyaaradda waxaa lagu soo riday deegaan lagu magacaabo Jamaal Qaazi oo hoostaga magaalada Anaar Durra ee gobolka Faraah, waxaana guud ahaan dhintay dadkii saarnaa.
War kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaansitaan waxaa lagu xaqiijiyay in diyaaradda lasoo riday ay saarnaayeen ugu yaraan 25 ruux oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, dhamaantoodana ay ku dhinteen howlgalkan.
Saraakiisha la xaqiijiyay ee ku dhintay diyaaradan ay Dhaalibaan soo riday waxaa kamid ah gudoomiyaha gobolka Faraah Fariid Bakhtaawar, Jeneraal Nicmat Khaan oo ah taliye ku xigeenka guutada DAFAR oo kamid ah guutooyinka milliteriga ciidamada xukuumadda Kaabul.
Qaari Muxamed Yuusuf Axmadi; Afhayeenka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan wuxuu shaaca ka qaaday in howlgalkan gaarka ah uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islaamrkaana ay heleen macluumaad sugan oo xaga sirdoonka ah, wuxuuna intaa ku daray in howlgalkan uu qeyb ka yahay silsilada howlgallo ah oo si gaar ah loogu beegsanayo madaxya weynta maamulka taagta daran ee ka dhisan Kaabul.