DEG-DEG: Xarumo Muhiim ah Oo ku yaala Baydhabo Oo La Weeraray.
Wararka kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay xaqiijinayaan in weeraro waaweyn lagu qaaday xarumo ku yaala magaalada Baydhabo, oo ay ku sugnaayeen xubno iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Koonfur-galbeed.
Weerarka koowaad waxaa lagu qaaday hotel caan ah oo ku yaala bartamaha magaalada Baydhabo, kaas oo uu leeyahay mid kamid ah xubnaha u sharaxan xilka madaxtinimada maamulka Koonfur-galbeed.
Weerarka labaad waxaa isagana lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen xubno iyo saraakiil katirsan maamulka Koonfur-galbeed oo ku taalla nawaaxiga saldhig yaraha Afar-irdoodka.
Weerarada waxaa wehliyay qaraxyo waaweyn oo jugtooda laga maqlay guud ahaan xaafadaha ay ka koobantahay magaalada Baydhabo.
Marka laga hadlo khasaaraha ka dhashey weeraradan waxay dhimashadu kor u dhaafeysaa 20 ruux oo ay ku jiraan xubno caan ah, waxaana jira dhaawacyo farabadan.
Gawaarida Umbulasta ee maamulka Koonfur-galbeed ayaa la arkayay iyagoo ku qul-qulaya goobaha ay weeraradu ka dhaceen, iyagoo daabulaya dhaawacyada iyo meydadka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradan oo kusoo aadaya xilli ay waxyar ka dhimantahay waqtiga la qabanayo doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur-galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.