Dhagayso: Xubno katirsan Sirdoonnada Maraykanka, Ingiriiska, iyo Dowladda Oo Jilib lagu toogtay.

Fagaaraha Macallin Aadan Xaashi ee magaalada Jilib, waxaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay Jawaasiis u shaqeyneysay sirdoonno  caalami ah iyo kan dowladda federaalka.

Shan ruux ayaa la keenaya fagaaraha ku yaala degmada  Jilib, kuwaas oo wada shaqeyn la sameeyay sirdoonnada dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo kan dowladda federaalka.

1-Cabdi casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan 22 jir wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka Maxkamadda horteeda ayuuna ka qirtay dambiyada uu geystay.
2-Maxamed Cabdullaahi Cawil 35 sana jir wuxuu la shaqeynayay Bangaraafta Mareykanka

wuxuuna ka dambeeyay weerar Mareykanku ka geystay Saakoow,wuxuu sheegay in ciidamo mareykan ah uu ku hoggaamiyay guri kuyaal degmada Saakoow.

3-Jeyllaani Cabdullaahi Nuur, wuxuu la shaqeeyay  Sirdoonnada Mareykanka iyo dowladda wuxuuna ka dambeeyay duqeymo ka dhacay Sh/Hoose wuxuu sheegay in uu shariixo saaray laba gaari oo laduqeeyay, sidoo kale wuxuu sheegay in uu gudbiyay macluumaad muhiim ah waxaana shaqa geliyay xildhibaan katirsan Hirshabelle.

4- Cawaale Axmed Max’med 32 sana jir wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka MI6 wuxuu sheegay in uu muddo sanada ah la shaqeynayay sidoo kale Ninka Jaasuuska ah ayaa maxkamadda ka hor qiray in uu Jaajuusi jiray dad Soomaali ah oo degan dalka UK.

5-Cabdu Qaadir Isxaaq Amiin wuxuu jawaasiis dowladda Federaalka uga qorayay gobollada Jubbooyinka isagoo shaqadiisa kujira ayaa gacanta lagusoo dhigay.
Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fagaaraha kaga dhawaaqay xukunka ay muteen Jawaasiistan.
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.