Diyaarad ay saarnaayeen boqollaal ruux oo ku burburtay wadanka Indonesia.

Sida ay sheegtay wakaaladda bad-baadinta dadka, waxaa burburay diyaarad ay saarnaayeen dad rakaab ah oo aad u badan, taas oo isaga kala gubeysay gudaha wadanka Indonesia.

Diyaaradda burburtay oo ay leedahay shirkad lagu  magacaabo Lion Air, waxay ka duushey magaalada Jakarta oo ah caasimadda wadanka Indonesia, iyadoona kusii jeeday magaalada Bankaal ee jaziiradda Somadhra.

Mas’uul katirsan howlwadeennada garoonka Jakarta ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradda la waayay 13 daqiiqo kadib markii ay duushey.

188 ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa saaran diyaaradda, waxaana loo badinayaa iney ku dhacday badda.

Waxaa socda baaritaanno iyo dadaal lagu doonayo in lagu helo goobta ay ku burburtay diyaaradda, si loo helo meydadka dadkii ay la burburtay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.