Donald Trump oo hanjabaad culus u jeediyay maamulka Aala-Sucuud.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa hanjabaad culus u jeediyay maamulka Aala-Sucuud oo la ogyahay inuu kamid yahay xulafada daacadda u ah Maraykanka.
Trump wuxuu ugu hanjabay maamulka Aala-Sucuud “ciqaab adag”, haddii ay cadaato in maamulku ka dambeeyo dilkii dhawaan safaaradda Aala-Sucuud ee Istanbuul loogu geystay wariye Jamaal Khaashqoji.
Muxamed bin Salmaan oo ah dhaxalsugaha koowaad ee maamulka Aala-Sucuud ayaa saaxiib dhow la ah Donald Trump, waxaase muuqata inuu soo wajahay culees xoogan, kadib markii uu ku kacay ficil uusan ka fiirsan saameyntiisa.
Hay’adaha sheegta xuquuqda insaanka iyo saxaafadda reer-galbeedka ayaa ku cadaadinaya dowladahooda iney xiriirka u jaraan oo ay ciqaab adag kusoo rogaan maamulka Aala-Sucuud.
Dowladaha Ingiriiska, Faransiiska iyo Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday iney qaadan doonaan go’aano adag haddii baaritaannada socda lagu xaqiijiyo in maamulka Aala-sucuud ay dileen wariye Jamaal Khaashqoji.