Gaari Gaashaman Oo Shisheeyaha Looga gubay Shabeellaha-dhexe.

Kolonyo ciidan oo ay la socdeen ciidamo Shisheeye ah ayaa lagu qarxiyay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo Johwar, halkaas oo ay ku safrayeen.

Kolonyadan oo katirsan ciidamada Brundia ayaa la qarxiyay iyagoo maraya nawaaxiga deegaanka Gololeey ee u dhow magaalada Balcad, ayna marto wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Qaraxa waxaa lagu gubay gaari nooca Taw-ga ah, waxaana gebi ahaanba dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii saarnaa.

Xog la helayo waxay sheegeysaa in Kolonyada la qarxiyay ay katimid magaalada Jowhar oo ay geysay sahay ciidan, iyadoona kusii socotay magaalada Muqdisho.

Waxaa gobolka Shabeellaha-dhexe uu kamid yahay gobollada ugu badan ee ay ka dhacaan howlgallada ay fuliyaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhanka ah Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.