wararka

Howlgallo ka dhacay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha-hoose.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay qaadeen silsilado weeraro ah oo si isku mid ah loogu beegsaday ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka.

Gobolka Shabeellaha-dhexe, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ay magaalada Mahadaay kaga sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Hir-shabeelle.

Ciidamada Mujaahidiinta waxay gebi ahaanba la wareegeen saldhiga, iyagoona ka qaatay wixii agab ciidan ee yaalay.

Waxaa lagu soo waramayaa iney gubeen saldhiga, markii ay ka qaateen wixii yaalay, waxaana ciidamada maamulka Hir-shabeelle laga dhaawacay labo askari.

Dhanka kale, weerar saf ballaaran ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaannada Golweyn iyo Shalambood.

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay ciidamada Mujaahidiinta mar qura ku ekeeyeen difaacyada ay Shisheeyuhu ku leeyihiin labada deegaan.

Weli maynaan helin faafaahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha soo gaaray ciidamada Shisheeyaha, waxaana weeraradan ay ku dab feylayaan howlgallada ciidamada Mujaahidiintu ka wadaan goobaha ay Shisheeyuhu kaga suganyihiin wadanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*