Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan Oo la wareegtay magaalo muhiim ah oo katirsan gobolka Qazni.
Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa ku guuleystay iney la wareegaan mid kamid ah magaalooyinka ugu muhiimsan wilaayada Qazni ee dalkaas, kadib dagaallo xoogan oo ay la galeen ciidamada xukuumadda Kaabul.
Kadib dagaallo culus oo muda qaatay, waxaa gebi ahaanba magaalada Shalqar ee gobolka Qazni la wareegay ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, iyadoona gebi ahaanba magaalada ay ka carareen malleeshiyaadkii joogay.
Afhayeenka Imaarada Dabiixullaahil Mujaahid ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay maamulayaan guud ahaan magaalada Shalqar, gacantana ku dhigeen hub iyo saanado milliteri oo aad u badan.
Waxaa dagaallada ka dhacay magaalada lagu gubay gawaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada xukuumadda Kaabul, waxaana u dheeraa khasaare nafeed oo dhimasho iyo dhaawac ah.
Ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa ku daba jira firxadka malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul ee ka cararay magaalada Shalqar, waxaana dagaallo laga soo sheegayaa iney ka dhacayaan deegaannada u dhow magaalada.
Waxaa xusid mudan in magaaladan ay ahayd magaaladii ugu horeysay ee ciidamada Maraykanku ka billaabeen aas-aasida malleeshiyaadka iyaga daacadda u ah, waxaana difaacida magaaladan sanooyinkii dagaallada Afqaanistaan uga dhintay ciidamada xukuumadda Kaabul 10 kun oo askari, waxayna taas muujineysaa ahmiyadda gaar ahaaneed ee ay magaalada u lahayd xukuumadda Kaabul iyo Shisheeyaha.