Inkabadan 10 Ruux oo ku dhimatay Weerar lagu qaaday Yahuudda Maraykanka.

Qof hubeysan ayaa weerar ku qaaday macbad ay leeyihiin Yahuudda, kaas oo ku yaala gudaha dalka Maraykanka, waxaana weerarkaas uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wararka ka imaanaya magaalada Pittsburgh ee gobolka Benselveniya wadanka Maraykanka ayaa ku waramaya in weerar lagu qaaday kaniisad ay leeyihiin Yahuudda, oo xilligaas ay ku sugnaayeen tobanaan ruux.

Qofka weerarka fuliyay oo sida la sheegay kamid ah cadaanka xagjirka ah ayaa ku qeylinayay ” Yahuuda ha dhimato”, wuxuuna si isku mid ah rasaas ugu furay dadkii goobta joogay.

Dhimashada waxay gaartay 11 ruux, labo kamid ahna waa Police, dhaawacyadana waxay gaarayaan 6 qof.

Saraakiisha Police-ka waxay shaaca ka qaadeen in qofka weerarka fuliyay uu isku soo dhiibay Police-ka oo gacanta lagu hayo.

Wasaaradda isku magacwday Garsoorka ee dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in maxkamad lasoo taagi doono eedeysanaha oo laga yaabo inuu muteysto dil toogasho ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.