Kooxaha Mucaaradka Suuriya Oo billaabay fulinta Qodobadii Shirka Sotshi.

Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya waxay xaqiijinayaan in kooxaha Mucaaradka ee dhex-dhexaadka ah ay billaabeen fulinta qodobadii kasoo baxay heshiiskii Sotshi ee dhexmaray dowladaha Ruushka iyo Turkiga.

Warbaahinta Aljazeera ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha mucaaradka ay billaabeen iney isaga baxaan mandiqadda loogu magacdaray goob dagaalka ka caagan ee u dhexeysa deegaannada ay isku hor fadhiyaan Nidaamka Bashaar Al-Asad iyo kuwa Mucaaradka.

Mucaaradka ayaa hubka cul culus ee madaafiicda kala soo baxay deegaanno kamid ah Allaadiqiyah iyo Idlib, taas oo qeyb ka ahayd qodobada Turkiga iyo Ruushku ku heshiiyeen.

Durba waxaa goobaha ay mucaaradku kala soo baxeen hubka culus soo gaaray kolonyo katirsan ciidamada Turkiga, kuwaas oo sida ay ballantu tahay la doonayo iney buuxiyaan oo ay ku roondeeyaan deegaannada xiga dhanka Mucaaradka.

Wakaaladda Anaadool ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 7 gaari oo ay saarnaayeen ciidamo Turki ah ay soo gaareen deegaanno katirsan gobolka Idlib.

Waxaa jira kooxo badan oo ku abtirsada kacdoonka Suuriya, kuwaas oo marka xaqiiqdooda hoose la fiiriyo ah kooxo ku xiran dowlada Turkiga iyo dowlado kale oo siiya taageero dhanka dhaqaalaha iyo hubka, waana kuwaas kuwa hagar daamada joogtada ah ku haya Jihaadka sideed sano jirsaday ee wadanka Suuriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.