Labo Ruux oo lagu dilay weerar ka dhacay wadanka Maraykanka.

Wararka ka imaanaya wadanka Maraykanka ayaa sheegaya in weerar ka dhacay wadankaas uu ka dhashay khasaare dhimasho.

Qof hubeysan ayaa gudaha u galay xarun ganacsi oo ku taalla gobolka Cantaki, wuxuuna rasaas ooda uga qaaday dadkii goobta ka dukaameysanayay.

Gudaha xarunta ganacsiga wuxuu ninkan ku dilay hal ruux, halka baakinka la dhigto gawaaridana uu ku dilay haweenay Ameericaan ah.

Mid kamid ah ilaalada xarunta ganacsiga oo hubeysnaa ayay rasaas is dhaafsadeen ruuxa weerarka soo qaaday, kaas oo markii dambe ku baxsaday gaari nooca raaxada ah.

Saraakiisha Police-ka gobolka oo la hadlay warbaahinta waxay xaqiijiyeen in weerarka lagu dilay labo ruux, islamarkaana jirin wax dhaawacyo ah, waxaana intaas ay ku dareen in gacanta lagu dhigay ruuxa fuliyay weerarka.

Police-ku way ka gaabsadeen iney qiimeyn ka bixiyaan nooca weerarku uu ahaa, mana sheegin ruuxa weerarka fuliyay ee ay sheegteen iney gacanta ku dhigeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.