wararka

Macallimiin Kirishtan ah Oo lagu dilay Kenya.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhulka ay Kenya gumeysato ee ay Soomaalidu leedahay ku toogtay labo ruux oo kamid ah macallimiiinta wax ka dhiga madaarista lagu faafiyo diinta Kirishtaanka ee ku yaala dhulkaas.

Deegaanka Carabiyah ayaa lagu dilay macallimiintan, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gudaha u galeen iskuul ay joogeen macallimiintaas, iyagoona si gaar ah u beegsaday labada macallin oo Nasaaro ahaa.

Police-ka dowladda  Kenya wuxuu xaqiijiyay dilka labada macallin, waxaana ay ku eedayeen dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada Xarakada  Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si gaar ah u beegsada Nasaarada xooga lagu deegaameeyay dhulalka muslimiinta ee NFD Iyo saaxilka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*