Maraykanka Oo kudhawaad 100 ruux ku dilay duqeymo uu ku garaacay Masjid ku yaala Suuriya.

Maydad ku hoos jira burburka masjidka.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa halkooda kasii  wada duqeymaha arxan darada ah ee ay ku garaacayaan magaalooyinka dalka Suuriya, halkaas oo maalin kasta lagu dilo tobanaan ruux.

Duqeymo dhawaan ka dhacay masjid jaamac ah oo ku yaala bariga wadanka Suuriya ayaa lagu dilay kudhawaad boqol ruux oo xilligaas ku sugnaa masjidka iyagoo gudanaya mid kamid ah salaadaha waajibka ah.

Masjidka la duqeeyay waxaa lagu magacaabaa Cuthmaan bin Caffaan, wuxuuna ku yaalaa magaalada As-suusa ee hoostagta gobolka Dayru-zuur  ee bariga wadanka Suuriya.

Sida ay xaqiijiyeen dadka magaalada waxaa duqeyntan ku shahiiday ugu yaraan 70 ruux oo muslimiin ah, iyadoona inta badan dadkii dhaawacmey kuna hoosjiray burburka dhismaha lasoo saaray iyagoo meydad ah.

Dowladda Maraykanka ayaan weli ka hadlin duqeyntan ay diyaaradaheedu geysteen, waxaana duqeyntan ay dadka dib u xusuusineysaa duqeyn lagu garaacay masjid ku yaalaya gobolka Xalab taas oo ay ku shahiideen dad aad u farabadan, waxaana xilligaas Maraykanku sheegay inuu beegsaday dad argagaxiso ah.

Warbaahinta reer-galbeedka iyo kuwa carabta ayaa ka aamusan duqeyntan wuxuushnimo ee ay dadka badan ku dhinteen, halka ay hadal hayaan hal ruux oo lagu dhex dilay safaaradda Aala-Sucuud ee Istanbuul, taasina waxay muujineysaa nifaaqa caalamiga ah ee aduunka ka jira.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.