Maraykanka Oo Wadaad caan ah ku dilay degmada Wallaweyn.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa ciidamo katirsan kuwa loo yaqaano DANAB ee uu Maraykanku tababaray, iyo ciidamo Ameericaan ah waxay u dheceen guri ku yaala degmada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha-hoose.

Guriga ay ciidamada u dheceen waxaa degnaa wadaad caan ka ah degmada oo lagu magacaabo Sheekh Nuur Cismaan Bilaal, kaas oo tafsiirka Quraanka ka akhrin jiray masjidka weyn ee Wallaweyn.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa malleeshiyaadka DANAB ayaa u booday guriga, waxaana markaas kadib ay gacanta ku dhigeen sheekha, iyagoona isla goobta ku dilay.

Maamulka degmada Wallaweyn ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dilka xalay loo geystay wadaadkan katirsan dadka degmada.

Banaanbaxyo ayaa hadda ka socda degmada Wallaweyn, kaas oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kuna muujinayaan siday uga xunyihiin dilka gudaha magaalada ay ugu geysteen Maraykanka sheekha caanka ah.

Marar badan ayaa ciidamada DANAB iyo kuwa Maraykanka waxay gobolka Shabeellaha hoose ka geysteen weeraro abaabulan oo lagu dilay dad shacab ah oo isugu jira rag, dumar, caruur iyo xitaa dad waayeello ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.