Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay caasimadda dalka Tuunis.
Magaalada Tuunis ee isla caasimadda dalkaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay qarax khasaare dhaliyay, kaas oo lagu qaaday ciidamo katirsan Police-ka maamulka cilmaaniga ee ka dhisan dalkaas.
Qaraxa oo dhacay maalintii shalay waxaa lagu soo waramayaa inuu geystay waxyeello xoogan, kaas oo gaaray ciidamada Police-ka oo lagu qaaday Weerarka.
Ugu yaraan 15 ruux oo katirsan ciidamada Police-ka ayaa qaraxa ku dhaawacmey, kuwaas oo qaarkood xaaladooda laga deyrinayo.
Dowladda Tuunis ayaa shaaca ka qaaday in weerarka uu ahaa naftii hurnimo, balse lama hayo ilo madax banaan oo xaqiijinaya in weerarka uu noocaas ahaa.
Madaxweynaha dalka Tuunis Qaa’id Sibsi oo kulan kaga qeybgalaya dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga xunyahay in weerarada ay dib ugu soo laabteen magaala madaxda wadanka Tuunis, wuxuuna eedeyn dusha kala dhacay axsaabta siyaasadda oo uu sheegay iney ku mashquuleen arimaha madaxtinimada.
Waxaa dalka Tuunis kahowgala Jamaaco jihaadi ah oo lagu magacaabo guutooyinka Cuqba bin Naafic, kuwaas oo qeyb ka ah faraca Al-qaacida ee Maghribul Islaam, marar badana waxay fuliyeen weeraro ka dhan ah ciidamada Police-ka iyo xubnaha dowladda cilmaaniga ee Tuunis.