Rag Basaas u ahaa Kenya iyo Dowladda Oo Saakow Lagu dilay.(Dhagayso)

Fagaare weyn oo ku yaala magaalada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe ayaa lagu toogtay rag jawaasiis u ahaa dowladda Kenya iyo tan federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo.

Boqollaal dadweyne ah ayaa isugu yimid fagaaraha, kuwaas oo daawanayay xukunka xadka ah ee lagu fuliyay shan ruux.

Magacyada shanta ruux ee lagu soo eedayay Jawaasiisnimada, islamarkaana ay qirteen ayaa kala ahaa :-

1-Cabdi Raxmaan Xuseen Max’med
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Caliyoow Jiinoow Nuur
4-Max’med Yuunus Mad Keer
5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.

Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka akhriyay xukunka lagu riday ragan.

Halkan ka dhagayso Qaadiga Maxkamdda oo riday xukunka dilka ah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.