Saraakiil lagu dilay magaalooyinka Muqdisho iyo Marko.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa khaarijiyay saraakiil katirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka, kuwaas oo ku sugnaa mid kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Saraakiisha la dilay waxaa lagu kala magacaabaa Xasan Muuse Maxamed oo ah sarkaal ka tirsan Howlwadeenada dowladda ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Shaawil oo isagana ka tirsan saraakiisha Booliska.

Rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saraakiishan ku beegsaday degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana markii dilalka ay geysteen ka dhaqaaqeen goobta.

Mar dambe ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda, kuwaas oo qaaday meydadka saraakiisha katirsan dowladda federaalka.

Sidoo kale magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha-hoose waxaa lagu dilay sarkaal katirsna sirdoonka ciidamada Shisheeyaha oo caan ka ahaa magaalada Marko.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Maangoow, waxaana uu la shaqeynayay ciidamada shisheeyaha ee saldhiga ku leh deegaanka Ceel-jaalle.

Dhamaan dilalkan, waxaa sheegtay mas’uuliyadooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.