wararka

Shil Khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay wadanka Kenya.

Warbaahinta wadanka Kenya ayaa baahineysa shil gaari oo khasaare badan dhaliyay, kaas oo habeennimadii xalay  ka dhacay wada ka baxda magaalada Nairoobi ee caasimadda wadankaas.

Gaari Rakaab ah oo siday ugu yaraan 52 ruux ayaa rogmaday, kadib markii uu ka baxay wadada, waxaana dhintay inta badan dadkii saarnaa gaariga.

Sida la xaqiijiyay waxaa shilka gaariga ku dhintay 50 ruux, waxaana badbaaday oo keliya labo ruux, kuwaas oo qudhooda la dhigay isbitaal caafimaad oo ay leedahay dowladda Kenya.

Dadka shilka ku dhintay waxay kasoo baxeen magaalada Nairoobi, iyagoona kusii jeeday magaalo lagu magacaabo Kakamega oo u dhow magaalada Nairoobi ee caasimadda wadanka Kenya.

Markii uu shilku dhacay dadku horey kama helin wax gurmad ah, maadama ay ahayd xilli habeen ah, waxaana gurmadkii ugu horeeyey uu soo gaaray aroornimadii hore ee saaka.

Kenya waxaa ku badan shilalka gawaarida, waxaana Tirakoob rasmi ah oo dowlada Kenya ay soo saartay lagu sheegay in dad gaaraya 3000 oo qof ay ku dhinteen Shilal ka dhacay gudaha wadanka Kenya sanadki 2017-da oo kaliya.

Hay’adaha UN-ka ayaa aaminsan in cadadka dhimashada uu intaas ka badanyahay, waxaana hay’adda WHO ay shaaca ka qaaday in sanadkii 2017-da shilalka ka dhacay wadanka Kenya ay ku dhinteen 12000 oo qof.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*