Sodomeeyo Askar Itoobiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax ka dhacay Hiiraan.

Qarax aad u culus ayaa lala eegtay ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah, kuwaas oo ku safrayay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Ciidamada Itoobiyaanka ee qaraxa lala eegtay waxay ahaayeen kolonyo badan, iyagoona kasoo  baxay magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, kuna sii jeeday dhulka Soomaali-galbeed ee ku jira gumeysiga Xabashida Itoobiya.

Qaraxa waxaa lala eegtay xilli ay marayeen deegaanka Ceel-muslim oo duleedka ka ah magaalada Baladweyne.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacadda Al-Furqaan waxay xaqiijinayaan in sodomeeyo askari Itoobiyaan ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxan aadka u xooganaa.

Maalmihii lasoo dhaafay, ciidamada Itoobiya  waxay dhiig bax joogta ah kula kulmayeen gobolka Hiiraan, iyadoona ciiidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii laba jibaareen howlgallada ka dhanka ah Amxaarada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.