Askar Maraykan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Weerar ka dhacay dalka Afqaanistaan.

Askari katirsan ciidamada xukuumadda Kaabul ayaa rasaas ku furay ciidamo Maraykan ah oo ku sugnaa saldhig milliteri oo ku yaala magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afqaanistaan.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in askarigan uu ka carooday hab dhaqanka ciidamada Maraykanka, taasina ay ka dambeysay inuu rasaas ooda kaga qaado.

Dowladda Maraykanka ayaa qiratay in rasaastan ka dhacday saldhig ay joogeen ciidamadooda lagu dilay hal askari oo Ameericaan ah, halka mid kalena uu ku dhaawacmey, balse warar la helayo waxay xaqiijinayaan in khasaaruhu aad u badanyahay.

Mid kamid ah dadka lagu dilay weerarkan ayaa ah sarkaal sare oo katirsan ciidamada Maraykanka kaas oo lagu magacaabo Brinit Tailer, wuxuuna horey gudoomiye uga soo noqday mid kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dhaca wuqooyiga dalka Maraykanka.

Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa soo dhaweysay howlgalkan askarigan uu ku beegsaday ciidamada Maraykanka, waxayna ugu baaqday ciidamada kale iney qaataan go’aannadan oo kale.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.