Askari katirsan AMISOM Oo Muqdisho Lagu dilay.

Ciidamada katirsan  Shiseeyaha ayaa qarax xoogan lagula eegtay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada Shisheeyaha Amisom ayaa la weeraray iyagoo ku socdaalayay qeybo kamid ah degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, waxayna ahaayeen ciidamo lug ah.

Ugu yaraan hal askari oo katirsan Shisheeyaha ayaa ku dhintay qaraxan, halka askar kale oo dhowr ah ay ku dhaawacmeen.

Dhawaan ayay ahayd markii qarax ciidamada Shisheeyaha lagula eegtay isgoyska Ex-control Balcad, lagu dilay saddex askari halka lagu dhaawacay tiro kale oo aad u badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.