Ciidamada Al-Shabaab Oo ka dhex dagaallamay Xaafado kamid ah Muqdisho.

Habeennimadii xalay, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qaaday fariisimiyaal ay ku sugnaayeen askar katirsan dowladda.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda oo katirsan xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Heliwaa gobolka Banaadir.

Ciidamo joogay nawaaxiga Biya-degeenka Suuqa-xoolaha iyo Cali Ganey ayaa la kulmay weerar qorsheysan oo aad u xoogan, waxaana lagu qasbay ciidamada dowladda iney firxadaan.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ay weerarka fuliyeen kadib waxay ku laabteen goobihii ay kasoo duulaan tageen.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.