wararka

Ciidamada Dhaalibaan oo laayay askar katirsan xukuumadda Kaabul oo ku sugnaa bar kontrool.

Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa duulaan qorsheysan saqdii dhexe ee xalay waxay ku qaadeen bar kontrool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan malleeshiyada xukuumadda Kaabul.

Barta kontrool ee la weeraray waxay ku taallaa degmada Muqar ee wilaayada Baadqiis, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar katirsan malleeshiyaadkii goobta joogay.

Ugu yaraan 7 askari ayaa ku dhimatay howlgalkan qorsheysan, waxaana dhaawacmay 12 kale, halka mujaahidiintu nolosha ku qabteen 2 askari oo nool nool.

Waxay mujaahidiintu ku qabsadeen howlgalkan qanaa’im aad u badan, oo kala duwan, oo ay kamid yihiin hub ay soo saarto dowladda Maraykanka.

Dalka Afqaanistaan ayaa waxaa  si heersare ah uga socda howlgalka Al-khandaq, kaas oo si isku mid ah uga dhacaya gobollada kala duwan ee Afqaanistaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*