wararka

Ciidamada Dowladda Oo lagu qarxiyay Ceelasha-biyaha.

Qarax ayaa goordhow ciidamo katirsan dowladda federaalka lagula eegtay isgoyska Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan waxaa lala eegtay askar joogtay isgoyska, kuwaas oo ay waxyeello soo gaartay, waxaana markii dambe qarax labaad lagu weeraray ciidamo kale oo gurmad ahaan u yimid.

Inkastoo la heynin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan, hadana waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxyadan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*