wararka

Ciidamada Itoobiya Oo Gaadiid Dagaal looga gubay Gobolka Baay.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa ku waramaya, in gelinkii dambe ee shalay ciidamo Itoobiyaan ah lagu weeraray inta u dhexeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buur-hakaba oo kawada tirsan gobolkaas.

Kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa la kulantay weeraro xoogan oo isugu jira kamiino iyo qaraxyo xoogan, waxaana jira waxyeello adag oo gaaray xabashida.

Ugu yaraan labo gaari oo nooca Uralka ah ayay ku guuleysteen iney  gubaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, mid waxaa lagu gubay qarax, halka midka kalana lala helay garneellada garbaha laga tuurto.

Inkastoo la heynin tirada rasmiga ee khasaaraha ciidamada Itoobiyaanka, hadana waxaa xaqiiq ah in  ciidamadii saarnaa labada gaari ee la burburiyay ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*