Ciidamo Katirsan Dowladda Oo ku dhintay Qarax ka dhacay Nawaaxiga Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda federaalka, kaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Aljazeera oo u dhexeeya Muqdisho iyo magaalada Marko.

Qaraxa waxaa lala helay gaari dagaal oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda, kaas oo marayay meel u dhow deegaan xeebeedka Al-Jazeera.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay 6  askari oo katirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo u si xun u saameeyay qaraxa lala eegtay.

Burbur ayaa gaaray gaariga ay saarnaayeen askarta geeriyootay, mudana ma jirin wa gurmad ah oo soo gaaray ciidamada.

Wadada marta xeebta ee xiriirisa Muqdisho iyo Marko waxaa marar badan ka dhacay qaraxyo xoogan iyo weeraro toos ah, kuwaas oo lala eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.