Dhageyso Diiradda Jimcaha oo Lagu Falanqeeyay Dilka Ninkii Caayay Nabiga صلی الله علیه وسلم.
Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo todobaadkiiba maanta oo kale ka baxa war-baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan laguna soo qaato hadba qodobka taagan ayaa waxaa maanta diiradda lagu saaray hawl galkii Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay C/Wali Cali Cilmi Yare, oo aflagaado u geystay Nabi Muxamad SCW.
Barnaamijka qeybihiisa hore waxaa looga sheekeeyay sidii uu weerarku u dhacay kadib-na waxaa lagu soo qaatay warkii kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyadoo intaa kadib ay dhacdada lafa gur iyo aragti ka dhiibasho ku sameeyeen mas’uuliyiin uu kamid yahay Sh/Xassan Yacquub Cali. Sidoo kale waxaa barnaamijka ka qeyb qaatay culimo, aqoonyahano, salaadiin iyo qeybaha bulshada dal iyo dibad.
Barnaamijka oo muddo saacad ah soconaya ayaa waxa uu xambaarsan yahay macluumaadyo badan isagoo ka qeyb galayaasha fursad u siiyay iney bidhaamiyaan khatarro kale oo diinta ka dhan ah, kana jira qeybo kamid ah wadanka.
Ku Degso Tayo Sare Diiradda Jimcaha 30-11-2018
Ku Degso Tayo DHexe Diiradda Jimcaha 30-11-2018