Dhaqane Calooley Oo Ciidamada Al-Shabaab ku dileen Beled-Xaawo.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Beled-Xaawo waxay ku dileen xubin muhiim ah oo wada shaqeyn la lahayd ciidamada Xabashida iyo kuwa Kenyaatiga ee duulaanka ku jooga  gobolka Gedo.

Dhaqane Caloolay oo wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Jubbaland, islamarkaana si dhow ula shaqeynayay ciidamada Shisheeyaha ayaa xalay lagu diley gurigiisa oo ku yaala bartamaha magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha u galay guriga Dhaqane, waxaana ay si nabad ah kusoo fuliyeen howlgalka, iyagoona markaas kadib goobta isaga tagay.

Shisheeyaha Soomaaliya kusoo duulay ayaa ku adeegta Odayaal dhaqan ka tagay dhaqankii soomaaliyeed, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ugaarsi gaar ah ku heysaa odoyaashaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.