wararka

Doorashooyin ka socda dalka Maraykanka Oo bedeli kara Siyaasadda Trump.

Waxaa ka soconaya dalka Maraykanka doorashooyin ay shacabka Maraykanka ku dooranayaan xubno katirsan Aqalka Congreska Maraykanka, oo ah halka ay ka go’do talada rasmiga ah ee dowladda Maraykanka.

Taageeriyaasha xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa aad uga qeybqaadanaya cod bixinta, waxaana qolo weliba dooneysaa iney ku bataan aqalka Odayaasha Maraykanka, si ay u meel marto siyaasadooda.

Dhammaan xubnaha Aqalka wakiilada Maraykanka oo ka kabadan 400 ruux ayaa dib loo dooran doonaa, waxaana jirta kuraas hor leh oo ka banaan senate-ka kuwaas oo ay ku tartami doonaan musharrixiin doonaya iney kuraastaas ku fadhiistaan.

Xisbiga Dimuqraadiga wuxuu isku dayi doonaa inuu ku guuleysto Aqalabiyadda Congreska, si ay ugu suuragasho iney ka hor yimaadaan siyaasadaha Trump ee gudaha iyo arimaha dibadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*