Faafaahin: Khasaaraha ka dhashay howlgalkii Hotel Saxafi oo Kordhay.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerar Inqimaasi iyo Nafhurnimo isugu jira oo gelinkii dambe ee shalay dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen hotel Saxafi oo hooy iyo goob shaqaba u ah saraakiil iyo xubno katirsan dowladda federaalka.

Weerarka oo lagu daahfuray camaliyad Nafhurnimo ayaa waxaa xigay ciidamo gudaha u galay hotelka, kuwaas oo toogasho ku billaabay xubnihii joogay hotelka.

Waxaa jirta camaliyad kale oo ka dhacday ilinka dambe ee hotelka, taas oo lala eegtay xubno kasoo cararay hotelka, oo doonayay iney gadaal ka baxaan, waxayna geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan 30 qof oo isugu jirta saraakiil, iyo xubno katirsan dowladda federaalka ayaa ku dhintay howlgalka, oo uu kujiro agaasimihii hotelka C/fataax C/rashiid oo ah wiil uu dhalay Ilqeyte oo isna lagu dilay weerar hore oo ka dhacay hotelkan.

Tirada dhaawacyada ayaa kabadan intaas, waxaana ku jira taliyaha Police-ka degmada Hodan, agaasimihii hore ee wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Bahlaawi iyo xubno kale.

Weerar ka dhacay hotelkan sanadkii 2015-ka ayaa waxaa lagu dilay xubno aad u badan oo katirsan dowladda, kuwaas oo uu kamid ahaa Abaanduulihii ciidamada dowladda Jeneraal Dhegabadan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.