SAWIRRO: Hay’adda Al-Ixsaan Oo howlo Caafimaad ka fulisay Tooratoorow.

Dhakhaatiir iyo howlwadeenno ka socotay hay’adda kheyriga ee Al-Ixsaan, islamarkaana hoostagta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlo caafimaad oo muhiim ah waxay ka fuliyeen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose.

Meelaha ay Dhakhaatiirtu tageen waxaa kamid ah Tooratoorow, halkaas oo ay ku daweeyeen inkabadan 300 oo ruux, oo isugu jira rag, dumar, iyo caruur.

Dhakhaatiirta Hay’adda ayaa dadka baarayay, waxaana markaas kadib ay siinayeen dawooyin lacag la’aan ah, iyadoona dadku aad uga faa’ideysteen.

Dadka howlahan caafimaad loo qabtay ayaa laga daweeyay xanuuno badan, waxaana qaarkood ay xanuunsanayeen sanooyin badan.

Hay’adda Al-Ixsaan ayaa caan ku ah fulinta mashaariic waxqabad ah oo la siiyo dadka muslimiinta ee kunool wilaayaadka Islaamiga ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo Sawirro aan kasoo qaadnay Dadka Deeqa caafimaad helay ee ku nool Toora-toorow.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.