Howlgal Camaliyaad Nafhurnimo Lagu daahfuray Oo ka socda Hotel Saxafi Magaalada Muqdisho.

Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar Inqimaasi ah ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho kaas oo ka mid ah hoteelada ay dagan yihiin madaxda iyo Saraakiisha Dowladda  Federaalka.

Weerarkan ayaa lagu daahfuray camaliyad Istish-haadi ah ka dibna ciidamo hubeysan oo inqimaasi ah ayaa gudaha u galay Hotelka, waxaana hadda ay xabad kulul ka socotaa gudaha Hotelka sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen idaacadda Al-Furqaan.

Markii ay dagaalyahanadu gudaha u galeen Hotelka ayaa dadkii ku jiray Hotelka waxay u soo yaaceen dhanka ilinka dambe ee Hotelka si ay u baxsadaan, balse waxaa iyagana lala eegtay camaliyad kale oo istish-haadi ah oo dhacday 5 daqiiqo ka dib markii uu howlgalku bilowday.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan waxay sheegtay in ay beegsatay Hotelka Saxafi oo ay dagan yihiin xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka.

Wakaaladda Reuters oo soo xiganeysa mas’uuliyiin katirsan dowladda ayaa sheegtay in khasaaraha dhimasho ee horudhac ah uu gaaraya 17 ruux, iyo dhaawaca labaatameeyo kale.

Xabadda ayaa weli ka socota gudaha Hotelka, waxaana dagaalyahanada lagu soo waramayaa in ay toogasho ka wadaan qololka Hotelka, welina ciidamada Dowladda uma suuragalin in ay gudaha u galaan dhismaha oo ay soo afjaraan weerarka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.