Inkabadan 10 askari Oo Yugaandhees ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shabeellaha hoose.

Qarax xoogan oo gelinkii dambe ee maalintii shalay lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan kuwa Shisheeyaha ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoogan.

Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay gaariga oo ahaa nooca Tawga, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday inta badan ciidankii saarnaa.

Ugu yaraan 5 askari oo Yugaandha ka socda ayaa ku dhintay qaraxan, halka 7 kale ay ku dhaawacmeen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.