Khasaaraha ciidamada Dowladda ku gaaray dagaalkii Jilib Marko oo Kordhay.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay, qeybo kamid ah deegaannada hoosyimaada magaalada Marka waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo lagu fara saaray ciidamo katirsan dowladda, oo isku dayay iney sameeyaan dhaq-dhaqaaqyo milliteri.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo u diyaarsanaa dagaalka ayaa ka hortagay kolonyo katirsan ciidamada dowladda, oo kasoo baxay Marko kuna soo jeeday deegaanka Jilib Marko, waxaana ay la galeen dagaal adag.
Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa heshay faafaahin la xiriirta khasaaraha dhimasho ee ciidamada dowladda gaaray, waxaana ilo lagu kalsoonaan karo ay inoo sheegeen in dagaalkii Jilib Marko lagu dilay Taliye horin katirsan ciidamada dowladda iyo 4 askari oo katirsan ciidamada dowladda.
Marka loo yimaado hubka laga qabsaday ciidamada dowladda waa gaari Beebe ah oo uu ku rakibanyahay qoriga dhashiikaha iyo 5 qori oo Ak47 ah.
Dhinac kale ciidamo katirsan dowladda oo iyagana kasoo baxay Dhanaane ayaa soo aaday dhanka deegaanka Gandarshe, waxaana dhexda ku qabsaday ugu yaraan 4 weerar oo ay kusoo qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda ayaa ugu dambeyn kala firxaday, waxayna fagaarha uga carareen gaari dagaal oo ay waxyeello soo gaartay.