Madaxweynihii Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Is casilay.

Warqad kasoo baxday madaxweynihii maamulka amxaara kalkaalka ah ee Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu sheegay inuu isaga tagay gebi ahaanba xafiiska madaxweyninimada ee maamulkaas.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu isaga haray tartanka doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur-galbeed, isagoo u daneynaya waxa uu ku tilmaamaya danaha shacabka dega gobollada Koonfur-galbeed.

Waxaa jira warar sheegaya in Shariif Xasan uu la kulmay wafdi ka socda dowladda Farmaajo, laguna qanciyay inuu isaga dego xilka, islamarkaana uusan u tartamin doorashada madaxtinimada.

Waxaa sidoo kale is casilay Afhayeenka maamulka Koonfur-galbeed oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh, kaas oo sheegay inuusan jirin cid uu afhayeen u ahaan karo maadama qofkii keensaday uu meesha ka baxay.

Lama oga arintan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa, balse waxay kusoo aadeysaa iyadoo khilaafaad xoogan uu ka dhexjiro maamulka Koonfur-galbeed, doorashada madaxtinimo ee maamulkaasna ay ka harsantahay maalmo kooban.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.