Wax ka Ogow Dhibaatooyinka ay ku noolyihiin Muslimiinta Turkistaanta Bari.(Dhagayso)

Turkistaanta bari, waa dhul ballaaran oo ay ku noolyihiin malaayiin ruux oo muslimiin ah, oo asal ahaan kasoo jeedaan qomwiyada Turkida.

Wuxuu dhulkan Islaamku gaaray waaya fog, hogaamiyihii mujaahidka ahaa ee Quteyba bin Muslim Al-baahili ayaa magaalada Kashqar ee caasimadda Turkistaanta bari wuxuu furtay sanadkii 96-aad ee hijriyada.

Mid kamid ah boqoradii ka talin jiray dhulka Turkistaanta bari, oo lagu magacaabo Stoq Boogharakhaan, islamarkaana qaatay diinta islaamka  ayaa sidoo kale kaalin weyn ku lahaa in islaamku saldhigto dhulkan muhiimka ah, xilligaasna waxa boqorkan la islaamay ku dhawaad hal malyan oo ruux.

Mandiqadan muhiimka ah, kuna noolyihiin malaayiinta ruux ee muslimiinta ah ayaa sanado hore waxay gashey gumeysiga shuuciyadda Shiinaha, illaa iyo waqtigaas fogna waxay muslimiinta kula kacayaan gabood fallo xanuun badan iyo dhibaatooyin joogta ah.

Taqaariirta laga soo saaray xaaladda muslimiinta Turkistaanta bari ayaa xaqiijinaya in tan iyo markii ay billaabatay dhibaateynta muslimiinta halkaas lagu dilay kudhawaad 60 milyan oo ruux oo msulimiin ah, warbixintanna waxaan kusoo gudbin doonnaa qeyb kamid ah dhibaatooyinka ay la daalaa dhacayaan ehelkeena ku nool halkaas, ee lagu doonayo in islaamka lagu xidida siibo.

Turkistaanta bari waxaa ka furan xabsiyada ugu weyn caalamka, waxaana lagu tilmaami karaa iney tahay xabsi dusha sare ka furan.

Maamulka shuuciyada ee Shiinaha ayaa ku tilmaamaya xarumo waaweyn oo uu ka hirgeliyay Turkistaanta bari iney yihiin goobo dadka lagu dhaqan celiyo,  balse sida ku cad warbixinnada ka imaanaya goobahaas waa xabsiyo dadka lagu dhibaateeyo, laguna doonayo in diintooda islamaka looga saaro.

Boqollaal kun oo rag muslimiin ah, isuguna jira rag iyo waayeel ayaa ku xiran xabsiyada ay maamulaan Police-ka xukuumadda shuuciga ah ee Shiinaha, waxaana jira magaalooyinka qaar oo katirsan Turkistaanta bari kuwaas oo aysan joogin wax rag ah sababo la xiriira iyagoo loo taxaabay xabsiyada sumcada xun.

Hadafka ugu weyn ee loo sameeyay xabsiyadaas ama xerooyinkaas dusha sare ka furan ayaa ah in lagu bedelo caqiidada muslimiinta, oo lagu tallaalo quluubtooda shuuciyada, iyadoo lagu dadaalayo in dadka muslimiinta laga helo jacayl dhameystiran oo ay u qaadaan maamulka shuuciyadda iyo aas-aasayaashooda.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan Dhibaatada ay la noolyihiin Muslimiinta Turkistaanta bari

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.