Kudhawaad 15 Askari oo uu ku jiro Sarkaal sare Oo Lagu dilay Shabeellaha-Hoose
Qarax aad u culus ayaa lala eegtay ciidamo katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo ku safrayay inta u dhexeysa degmooyinka Afgooye iyo Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha-hoose.
Ciidamada dowladda ee la qarxiyay ayaa saarnaa gaari nooca dagaalka ah, waxaana mar qur ah lala beegsaday qarax aad u culus, kaas oo burburiyay gaariga, islamarkaana ku dhinteen askartii saarneyd.
Wararka ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan waxay xaqiijinayaan in qaraxan lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada dowladda federaalka, iyo 11 askari oo saarnaa gaariga la qarxiyay.
Jidka laamiga ah ee isku xira Wallaweyn iyo Afgooye waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo waaweyn kuwaas oo lagu gumaaday ciidamada dowladda, dhawaan ayaana qarax ka dhacay wadadaas waxaa lagu dilay taliyihii saadka ee ciidamada Bangrafta, ee uu Maraykanku ku adeegto.