Sarkaal katirsan Dowladda Oo Muqdisho Lagu dilay.
Qarax culus ayaa lala eegtay gaari uu saarnaa mid kamid ah saraakiisha ciidamada Police-ka dowladda federaalka.
Cabdi Maxmuud oo kamid ah saraakiisha ciidamada Police-ka ayaa lala eegtay qarax xoogan xilli uu marayay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho.
Durba waxaa qaraxa ku dhintay sarkaalka, iyadoona uu aad u burburay gaariga uu watay.
Muqdisho waxaa kusii badanay ugaarsiga lagu hayo xubnaha iyo saraakiisha dowladda, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii kordhisay weerarada ka dhanka ah dowladda.