Sarkaal Lagu dilay Duleedka Muqdisho, Gaari iyo Hubna laga Furtay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Xarakada Mujaahidiina Al-Shabaab ayaa howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen waxay ku dileen xubin sare oo katirsan ciidamada booliiska dowladda federaalka.

Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Macaani ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay sarkaal Booliis ah, iyadoona laga furtay gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK47 ah.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa meydka sarkaalka kaga tagay halkii ay ku dileen, waxyana horey usii qaateen qanaa’imtii ay howlgalka ku furteen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Sarkaalkan katirsan Booliiska dowladda Federaalka.

Dhinac kale, howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Miir-Taqwo ee wilaayada Shabeellaha dhexe waxaa waxyeello lagu gaarsiiyay askar katirsan maamulka Hir-shabeelle.

Ugu yaraan hal askari ayaa la dilay, halka labo kalana lagu dhaawacay dagaalkan ay qaadeen ciidamada Mujaahidiinta, waxayna kusoo furteen saddex qori oo nooca AK47 ah.

Waxaa si dardar leh u socda howlgallada kala duwan ee ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo si isku mid ah uga socda gobollada ay Shisheeyaha iyo kaaliyaashooda ka joogaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.