wararka

Sawirro: Hay’adda Al-Ixsaan Oo Dawo Qeybin iyo Baaritaan Caafimaad ka fulisay deegaan hoosyimaada Qoryoolay.

Dhakhaatiir iyo xubno ka socda hay’adda kheyriga ee Al-Ixsaan ayaa booqasho ku tagay deegaan hoosyimaada degmada Qoryoolay, halkaas oo ay ka fuliyeen baaritaanno caafimaad.

Ugu yaraan 458 qof oo isugu jira rag, dumar iyo caruur ayay dhakhaatiirta hay’adu baaritaanno caafimaad u sameeyeen, waxaana markaas kadib ay siiyeen dawooyin iyadoo loo eegayo hadba qofka xanuunka haya.

Dadka deegaanka Doon-buraalle oo ah halka ay dhakhaatiirtu gaareen ayaa aad ugu farxay kaalmadan, waxayna u mahadceliyeen hay’adda Al-Ixsaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*