Sawirro: Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan Oo si wanaagsan Looga qeybinayo Zakada Xoolaha Nool.

Waxaa si wanaagsan wilaayada islaamiga Hiiraan uga socda qeybinta Zakada xoolaha nool, ee la siinayo dadka muteystay ee Allaah uu sheegay.

Deegaannada dhaca bariga iyo galbeedka wilaayada islaamiga Hiiraan ayaa laga qeybiyay xoolo gaaraya 2600 oo neef, oo isugu jira ari iyo geel, waxaana qoysaska qaatay Zakadan ay gaarayaan ugu 560 qoys.

Sodon kamid ah qoysaskaas waxaa la siiyay min 20 neef oo ari ah, taas oo looga gol-lleeyahay in sanadka dambe ay iyaguna bixiyaan zakada maadaama dhaqaale adag oo badan loo abuuray.

Deegaannada iyo magaalooyinka laga qeybiyay Zakada kana mid ah wilaayada Hiiraan waxaa ku jira Buq-aqable, Ceel Cali,Mukeylle, Shaaw, Ceel Warre iyo kuwa kale.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.